01/12/2025
Wafdi balaaraan oo ka kooban Maamulaha shirkadda maalgashiga Hobyo Cabdirisaaq Shiikh Ibraahim gudoomiyaha Ganacsatada Habargidir Maxamuud Cusmaan (Maxamuud Taako) kana mid ah Golaha Sare ee Shikadda Maalgashiga Hobyo ayaa maantay waxaa Gegida Diyaarada ee degmada Hobyo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Hobyo, kuxigeenkiisa Mukhtaar, Xoghayaha iyo dhamaan maamulka degmada oo uu ka mid ahaa maareeyaha Airport Cabdirisaaq Maxamed Ducaale, Odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo qaybaha bulshada oo aan u kalaharin. Wafdigaan oo u yimid degmada Hobyo dardar galinta mashruuca dhismaha Dekadda ayaa kor meeri doona hawlaha socda iyo meesha uu marayo mashruucu