12/04/2026
Maamulka Degmada Jawiil waxa ay hambalyo diirran u dirayaan dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleeyda, dableeyda, iyo guud ahaan xaasaskooda iyo carruurtooda, munaasabadda 12-ka April oo ku beegan 66-guuradii aas-aaska CXDS.
Waxaan idinku bogaadinaynaa geesinimada, naf-hurnimada, iyo doorka muhiimka ah ee aad ka qaadataan difaaca dalka, ilaalinta nabadda, iyo sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed.
Allaha idin garab galo, hana idinka abaal mariyo dadaalka iyo dulqaadka aad u hurtaan qarankiinna.
Sanad guuro wacan! ๐ธ๐ด