18/03/2024
Xukuumadda Soomaaliya suβaalo badan ayaa dul hoganaya.
1. Gobolka Mudug qaybo ka mid ah oo xaalado adag la soo gudboonaatay, oo guulihii h**e looga gaadhay hadda dib looga wada noqday.
2.Deegaanka Hiiraan oo dhibaato weyn ka taagan tahay.
3. Muqdisho oo Saaka ciidamada dawladda iyo Arsinal isku haystaan Hutelka SYL oo aad ugu dhaw madaxtooyada.
4.Golaha wasiirada oo xilal badan ka maqan yihiin, oo dalka muhiim u ah.
5. Khilaafka Dastuurka oo meel adag maraya.
6. Dawladda oo lagu eedeynayo cashuuro aan sharci ahayn iyo shirkado dad gaar ahi leeyihiin oo hawlo aanay shaqo ku lahayn madaxa loo galiyey.
7. Dhulkii danta guud oo qaylo ka taagan tahay, oo b**b laga soo sheegayo.
8. Khilaaf siyaasadeed oo aad u sii baahaya oo u dhaxeeya maamul goboleedada qaarkood iyo xukuumada.
Soomaali heshiis ahi waxay hadda u muuqataa Soomaali aan heshiis ahayn.
Xukuumadda Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xamse laba sano ayaa u dhammaaday maantana waxay marayaan goob xaasaasiya, arrimuhu in ay ka sii daraan mooyaane aanay ka soo raynayn. Wax badan waa la qabtay laakiin dib ayey ka soo wada halaysmeen.
Waxaa looga fadhiyey xukuumadda Xasan Shiikh iyo Xamse wixii xukuumaddii h**e hagaajisayna sii adkeeyaan, waxay halaysayna hagaajiyaan, hawlo kale oo wanaagsana qabtaan.
Waxaa qoray Asad Cadaani