03/05/2026
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐ข๐ ๐๐๐ฅ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ฐ๐ช๐ข๐๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ข ๐๐ฎ๐๐๐จ ๐๐จ๐ซ๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฒ ๐๐ซ๐จ๐ ๐๐๐๐ฌ:
Illaahay ha u naxariisto Madaxweyne Cigaal, wuxu dhisay haykalka dawladnimo ee wadankeena . Maanta oo kale 3dii May 2002 ayuu geeriyooday. Qoraalkan yar ee hoose waxan ka soo dheegay qoraal uu qoray Prof Gees oo la daabacay August 14 2014. Waa qoraal xaaladda aynu ku suganahay ka hadlaaya oo uu soo gudbiyay AHN Maxamed Siciid Gees oo siddan yidhi:
Golihii Wakiillada ee beeluhu soo xusheen ee hawlgalay bishii May sannadkii 1997, waxa muddada xilku kaga ekayd May 2002. Biishii Abriil ayaa marxuum Cigaal loo qaaday dalka Koonfur Afrika arrimo caafimaad dartood, iyadoon wax goโaan ah laga gaadhin xilligii golaha oo dhammaanayey.
Golaha Guurtida ayaa sannad korodhsiimo ah u ansixiyey, sida uu dhigayo Qoddobka 42aad ee Dastuurku. Waxay arrintaas ku tallaabsadeen iyagoon codsi ka hayn Madaxweynaha. Yuusuf Garaad (madaxii h**e ee Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da) oo aan ballansanayn ayaa ila soo xidhiidhay, aniga oo qolkii cusbitaalka la jooga marxuum Cigaal oo ay weheliso marwo Kaltuun Xaaji Daahir. Waxa kale oo qolka ku sugnaa Dr. Cali Qaaddi, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale iyo Dr.I qbaal oo ahaa Wakiilka Somaliland ee Koonfur Afrika, haddana waddankiisa safiir uga ah dalka Ereteriya (Wakhtiga Qoraalka).
Waxaan isku xidhay Yuusuf Garaad iyo Marxuum Cigaal. Waraysiga oo dheeraa, waxa Yuusuf ugu dembayntii weydiiyey, in wax farriin ah oo uu u dirayo Marxuum Cigaal dadweynaha Somaliland. ๐๐๐ซ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฆ ๐๐ข๐ ๐๐๐ฅ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐ฎ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐๐ก๐ข; "๐๐๐ฑ๐๐๐ง ๐ฆ๐๐ช๐ฅ๐๐ฒ๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฆ๐ฎ๐๐๐๐๐ข๐ข ๐ฅ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐๐ก๐ข๐ฒ๐๐ฒ. Arrintaas waxba k**a jiraanโฆโ Waraysigaasi waxa uu ahaa habeenkii Arbacadu soo gelaysay ee bishu ahayd 1-dii May.
Markii aan huteelkii ku laabtay ayaa Yuusuf Garaad ila soo xidhiidhay oo yidhi; "Ma sii daayaa warka Madaxweyne Cigaal ee ku saabsan kordhinta muddada Golaha Wakiillada ee Guurtidu ansixisay?โ Waxaan u sheegay inuu ka gooyo qaybtaas waraysiga, waayo waa laga qurux badan yahay inaannu ku xidhiidhno BBC-da, marka aan waddankii ku noqonno ayaan u dhiganaynaa arrintaas. Marxuum Cigaal waa kii Allaystay bishii May saddexdeedii.
Marxuumku ma rabin in wax la kordhiyo, wuxuu se rabay in Goluhu iska kala huleelo marka waqtigoodu dhammaado, oo deeto doorasho la qabto. Tii Ilaahay ayaa timi oo sidaas ayey ku hirgashay mudda-kordhintii Golaha Wakiillada ee ugu horreysay, dabadeed waxay noqotay tusbax la furay - ayaa uu ku soo xidhay Maxamed Siciid Gees. Ka akhri Buugga Gees & Gees ee dharaaro Xusuustood.
25 Sanno kaddib, Somaliland waxa ay laadahay kartidii iyo hoggaamintii cawaaqib xumada muddo kordhintaa kala baxsan lahayd dalka.
Tixgelin.
Repost.