16/04/2024
TARTA
tartu waa habeen ka mida habeenada bisha dayaxa ah ee ay soomaalidu tirsato waana habeenka bishi 9aad tahay ayaa loo yaqaanaa tarta"
soomaalidii h**e ee xidigiska taqaanay waxa ay sheegtaa in tartu ay tahay habeenada ugu mihiimsan bisha intaa tirsigeedu socdo waxaanay ka saadaalin jireen qofka dhacaya habeenka 9aad ee tarta loo yaqaano"
hadaba qofka habeenkaa dhasha soomaalidu waxay tidhaa waa kun la joog iyo kun la jiif waxaa kale oo ay sheegaan inuu taran badan yahay/dhal badan yahay inuu hiboole yahay oo reerkoodu hodan noqdo intaa uu noolyahay"
kun la joog hadaan sii faahfaahiyo waxaa laga wadaa qofkaasi halka uu istaagaba dadkaa kusoo xooma oo aad ayay u buux dhaafiyaan halka uu fadhiisto"
tusaale ahaan waxaa uu tagayaa xaafad aan loo soo wareegi jirin habeenkaa uu usoo wareego dadka jaarka ayaa soo buuxdhaafiya Ardaa aan la fadhiisan jirin ayuu tagaa dadkaa soo wada fadhiista iyadoon sheekadiisa iyo hawshiisa toona aan la xiisaynayn ayay hadana dadku daba socdaan oo ay iska ogolyihiin qofka noocaa ah waxaa loo yaqaanaa kun la joog"
waa kun la jiif oo ninkaa hadii uu geeriyoodo dad badan baa la geeriyooda oo geeridiisu waa masiibo weyn dadkii h**e maydkiisa may aasi jirin maalin habeen mooyaane qofkaana kun la jiif ayay u yaqaaneen soomaalidii h**e ee xidigiska taqaanay"
waxaa kale oo ay sheegi jireen inuu taran badan yahay dhalbadan yahay oo waatii maahmaahdu ahayd ๐ง๐ผ๐น๐ธ๐ฎ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ ๐ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐น๐ผ ๐ป๐ฎ๐ณ๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฎ ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ผ ๐ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐น๐ผ berigii h**e ninka tarta dhasha waa lagu farxi jiray waayo tolkui badin jiray goor loo baahnaa"
sidoo kale waxay odhan jireen qofka tarta dhasha xoolaha ugubka ah ee curta candhada taabo si ay u caano badiyaan"
sidoo kale waxaa la odhan jiray qofka tarta dhasha hadii uu reerka ku soo biiro iyadoo sabool layahay reerkaa uu u dhashay barwaaqo iyo qaninimo iyo ladnaan ayay gaadhi jireen oo maalka ayaa badan jiray habeenkaa uu dhasho wixii ka danbeeya"
Tolow imika cid tar dhalatay ama habeenka 9aad ee bisha mala hayaaa?
โ Mubaarak Awdaahir