Khadar Ahmed Muse

Khadar Ahmed Muse Waa Boga labaad ee aan ku leeyahay Facebook-ga. Waxaa kusoo gudbiyaa Fikirada la xidhiidha Farsadooyinka iyo Casharada nolosha.

12/04/2026

Basic Concept of Domain Name System (DNS).



23/03/2026

Hargeisa
22/03/2026


Tuugta cusub ee Internet-ka dadka ku dhaca. Ciidanka Booliska JSL, Fadlan tixgaliya baaqani.
24/02/2026

Tuugta cusub ee Internet-ka dadka ku dhaca.
Ciidanka Booliska JSL, Fadlan tixgaliya baaqani.




21/02/2026

1. Ma xanuusto
2. Ma fasax qaato
3. Ma soo habsaamo
4. Ma shekeeyo mala-maha qaar?
Ma dhabaa ? Haa mise Maya.




08/02/2026

Marka Macalin Wanaagsani, Ardaygisii helo.




Maxaa Tower-rada looga dhisaa meel dheer ama banaan ?Inta badan waxaa ku xidhan Tower-da dhadheer wax Anteenooyin kala d...
25/01/2026

Maxaa Tower-rada looga dhisaa meel dheer ama banaan ?

Inta badan waxaa ku xidhan Tower-da dhadheer wax Anteenooyin kala duwan. Waxaan manta inoo muhiima oo sawirkeenani ku beeganyahay waa Microwave-yada oo ah saxan u jeeda dhinac uu warka u lalinaayo ama ka helaayo. Waxaa inta badan isku yihiin Point-to- Point ( PPT) oo waa laba isku sidkan.

Labad microwave, waxaa la rabaa inay isku toosnadaan ( Line of Sight), hadii ay wax kala qariyaa soo kala dhexgalo sida Buur,Guri ama Geed waxa ku dhacda inuu kala lumo xidhiidhki u dhexeeyay ( Pathloss) .
Xidhiidhka u dhexeeya wuxu dhex maraa Soone loo yaqaano Fresnel Zone-1(Center of the Path) oo ah halka Signalku ugu xooganyahay.

Marka labada Microwave, dhexoodu haday nadiiftahay signal-ku waa marka igu fiicanyahay (Good Signal), hadii kale signal-ku wuxuu noqonayaa mid daciifa ( Weak Signal).

Taasi ayaa keenta in la dhiso tower dheer oo dadku walaac ka muujiyaan.
Wadamada qaarkood Microwave kani waxay ku badaleen Fiber Optic isku xidhaaya lagabdii Tower.

Tower-ka laftiisa waxaa badali kara dhimayaasha in lagu xidho antooyinka waraabinaaya qalabka aan u isticmaalyo isgaadhsiinta oo Telephone ku ugu muhiimsanyahay.

Khadar A Muse

12/01/2026





Khadar A Muse

26/12/2025

Energy
Khadar A Muse

Sidee ayuu u dhacaa Handover Call ( Isku dhiibka call-ka) ?Waxaa dhacada inaad call ku jirto mudo dheer adiga oo babuurs...
24/12/2025

Sidee ayuu u dhacaa Handover Call ( Isku dhiibka call-ka) ?
Waxaa dhacada inaad call ku jirto mudo dheer adiga oo babuursaaran, ma go’o oo call kaaga waa la ilaaliyaa. Sikooban aan u sharaxno qodobkaasi.

Farsamo ahaan, waxa Cell ayaa loo yaqaan tower ka, tusaale ahaan Cell A iyo Cell B oo sawirka kaga muuqada waxay matalayaan 2 tower. Cell kastaa wuxuu Daboolaa(Coverage) dhul mucayina. Markaad ku hadlayso Mobile kaaga oo aad call ku jirto, waxaa dhaca meel ay iska soo gadhaan labad cell in la iskula kala kaa wareego.
Shaqadaasi waxay ka qabta Switch Center xarumaha waawayn ee shirkada yaal, waxaana habkaa loo yaqaan Switching Handover Process.
Hadii aanu jirin isku dhiibkaasi, ina uu kaago'o ayaad dib u wici lahayd qofkii aad wacaysay.

Thanks Technology Era.

Khadar A Muse

Wararka Technology-ga;Waxaa dhawaan gacanta u galay Tuuga internet ka ( Hackers) 1.8 Billion Account iyo Password yadood...
30/06/2025

Wararka Technology-ga;

Waxaa dhawaan gacanta u galay Tuuga internet ka ( Hackers) 1.8 Billion Account iyo Password yadoodii.

Waxaa ku talinayaa in aad qaato talaabooyinkani;
1. Badal Password kaaga.
2. Password -kaagu ha ka duwaanaado kii h**e. Waxaanad isku dartaa Xarfo, Number-ro iyo Xuruufta kaleba si uu u adkaado.
3. Two Factor Authentication (2FA) - Wuxuu ka cawinayaa inaad numberkaaga Mobile-ka ka hesho fariin. Waa ku talin lahaa.
4. Website yada aanad hada ku isticmaalin ka tuur acount kaaga.

Comment ka ugu h**eeya fiiri warka oo Dhamaystiran.

14 May 2025, Waxaa heshiis dhex maray Sharkada Dulimaadka ee Saudia iyo Starlink oo Internet Satellite ah bixisa. Starli...
15/06/2025

14 May 2025, Waxaa heshiis dhex maray Sharkada Dulimaadka ee Saudia iyo Starlink oo Internet Satellite ah bixisa.

Starlink Internet, waa sharkad uu asaasay maalqabeenka Elon Mask waxayna ka midtahay SpaceX. Shirkadani waxay gaadhsiinaysaa Internet dhamaan aduunka sida Badda (Marines), Dhulka go’doonka ah (Remote areas) iyo Diyaraha hawada ku jira (flight).

Shirkada Saudia ayaa ka mid noqotay shirkada dulmaadka ee internet ka Starlink uu gaadhay. Shirkada h**e u isticmaali jiray waxaa ka mida, JetBlue, Alaska Airline, Southwest Airlines iyo United Airlines.

Khadar A Muse

Wararka Technology-ga Shirkada LinkedIn ayaa dhawaan joojisay in Passporka Somaliga lagu Xaqiijyo ( Verified)  Account d...
07/06/2025

Wararka Technology-ga

Shirkada LinkedIn ayaa dhawaan joojisay in Passporka Somaliga lagu Xaqiijyo ( Verified) Account dhalinyaradu ku leeyihiin LinkedIn.
LinkedIn waa madal lagu soo bandhigo shaqooyinka, qofkastaana uu ku diyaarsado CV quruxbadan.

Verification- ku wuxuu kordhiyaa aaminaada , sida laguugu dhiibto shaqo Wakhti kooban ah ( short time assignment).

Awal waxaa Xayiraad saarnayd Sudan, Yemen , Palestine iyo Iraq.

Address

Hargeisa
HARGEISA

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khadar Ahmed Muse posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Khadar Ahmed Muse:

Share