07/04/2024
Masar: Wax-soosaarka Beeraha heerka ay ka gaadhay !
1.Masar waa dalka ugu badan Afrika ee soo saara sarreenka ah, waxana sanad walba soo saartaa 9.0 Million MT, taas oo ku filan in ay quudiso 62% dadkeeda.
2. Masar waxa ay leedahay wax-soosaarka Bariiska ugu sarreeya hektarkii Afrika oo lagu qiyaaso 8.8 Tonnes, waxaana wax-soosaarka 2-aad Nigeria.
3. Masar waa dalka ugu badan ee soo saara Liinta Afrika, sanadka 2020-ka waxa uu wadanku soo saaray 3.2 Million MTs.
4. Masar waa dalka ugu badan ee soo saara baradhada Afrika, waxa ay soo saartaa 5.2 Million MTs oo Baradho ah, .
5. Masar waa dalka ugu badan ee soo saara tamaandhada Afrika, waxa ay soo saartaa 6.7 Million MTs
6. Masar waa dalka 2-aad ee ugu badan ee soo saara Canabka Afrika, waxa ka horeeya Koonfur Afrika, Masar sidoo kale waa dalka 3aad ee ugu badan soo saarkaTufaaxa Afrika, waxa ka badan South Africa iyo Morocco. Masar sidoo kale waa dalka 4-aad ee ugu badan wax soo saarka Muuska Afrika.
7. Masar waa dalka ugu badan ee soo saara basasha qalalan qaaradda Afrika, 2020 Masar waxa ay soo saartay 3.2 Million MTs oo basasha qalalan ah.
8. Masar waxay tahay dalka 4-aad ee Galeyda ugu soo-saarka badan Afrika.
9.Dhulka Masar ee wax-beereedka waxa lagu qiyaasaa 2.9M Hector,.
Halka Somalia lagu qiyaaso 8M Hector oo la beeran jiray 1985kii 1M, warbixin ay diyaarisay FAO ayay ku sheegtay in dhulka ku haboon beerashada Somaliland ay tahay 3.3M Hector, balse waxa la beerta 0.2.
Masaarida dhulka ay beerataa waa agagaarka webiga Nile, dalka intiisa kale waa Saxare,.
Source, research products Africa.