16/10/2025
Wargeyska Israa|l ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth, ayaa maanta ku warramay inay Xamaas gacanta ku dhigtay 45 gaari oo xamuul ah oo ay ku raranyihiin boqollaal qori oo Kalashnikov ah, qoryo culus oo daran-doori u dhaca , rasaas iyo bambooyin ay lahaayeen kooxda ay Israa|l taageerto ee Abu Shabab iyo kooxo kale , waxaa kaloo ay Xamaas ka qabsatay kooxahan lacag badan oo la sheegay inay Israa|l ku wareejisay kooxahan calooshood u shaqeystayaasha ah oo ay ugu talagashay dagaallo waqti dheer socda inay la galaan Xamaas , lacagtana u adeegsadaan inay bulshada ku kiciyaan oo marinka Qasa laga dhigo meel aan xasillooneyn.
Follow Daara Channel