Shirkadda Dhismaha iyo Qalabka Culus ee Burtuqle

Shirkadda Dhismaha iyo Qalabka Culus ee Burtuqle Muxudiin Maxamed Cali (Burtuqle). Chairman, M.B Construction & Heavy Equipment.

Shirkadda Dhismaha iyo Qalabka Culus ee Burtuqle (M.B Construction & Heavy Equipment) oo xarunteedu ku taalo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa aas-aasay Muxyadiin Maxamed Cali (Burtuqle) oo ah Guddoomiyaha Shirkadda sanadkii 2001, waxa ayna shirkadu muddo gaaban gudahood ku noqotay mid qadarin iyo sharaf ku kasbatay adeega ay fuliso ee dhismaha wadooyinka Gaadiidka, marinka Garoomada e

e ay Diyaaraduhu isticmaalaan (runway) iyo dayactirka ama nadiifinta goobahaasi, iyadoo aaney cidna kasoo gaarin wax dhibaato ah. Khibradda ay Shirkadda Dhismaha M.B Construction & Heavy Equipment u leedahay adeega ay macaamiisheeda u fuliso ee Hay’addaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay, Hay’addaha Qaramadda Midoobay, kuwa Caalamiga ah iyo weliba shaqsiyaad ganacsato ah ayaa ka dhigay iney sidoo kale noqoto shirkadda loogu kalsooni badan yahay, islamarkaana heysata qalabka ugu ballaaran ee lagu fuliyo adeega howshaasi, kuwaasi oo ka kooban 14 Makiinadood, kuwaasi oo kala ah:
1- Seddex Grader 12g Caterpillar.
2- Toddoba Baalle (3 nooc oo 966 Caterpillar ah iyo 4 nooc oo 950 Caterpillar ah)
3- Laba roller Dynapac 25 tons ah.
4- Laba Bulldozer D6 Caterpillar ah. Howlaha ay Shirkaddu soo qabatay:

2016 Waxa ay shirkadu bilowday iney kaalin hormuudnimo ah ka qaadato Mashruuc dadweyne midkii ugu baaxada weynaa ee laga hirgeliyo Soomaaliya, taasoo lagu dhisayo wadada Highway-ga ah ee isku xiraya Muqdisho iyo Hobyo, iyadoo wadadaasi uu dherirkeedu noqonayo 560KM, halka balaceeduna uu yahay 30Mt, waxeyna Shirkaddu ku taageertay Qalabkii Makiinadaha ee ugu badnaa ee lagu fulin lahaa howsha dhismahaasi.
2015 Waxa ay Shirkaddu howlo nadiifin iyo hagaajin isugu jira ay ka fulisay wadooyin dhex mara xaafado ka tirsan Degmooyinka Cabdicasiis, Kaaraan iyo Shibis ee Gobalka Banaadir.
2015 Waxa ay sidoo kale Howlo isugu jira dumin iyo nadiifin ay shirkaddu ka fulisay Jaamacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
2013 Waxa ay Shirkaddu howlo kala duwan ka qabatay xarunta ugu weyn Keydka Shidaalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
2008 Waxa ay Shirkadda oo ku guuleysatay qandaraas ay bixisay waaxda duulimaadyada rayidka ee Soomaaliya ay howlo nadiifin iyo dayactir isugu jira ay ka qabatay Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho.
2007 Waxa ay Shirkaddu dhismo Wado ka fulisay Wadada isku xirta Degmada Kaxda illaa Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
2006 Xilligii Maxaakiimta Islaamiga ayay Shirkaddu howl nadiifin iyo hagaajin ah ka fulisay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade..
2005 Waxa ay Shirkaddu markii ugu horeysay ay ka fulisay wado dheer oo isku xirta Deegaanka Xoosh ee Degmada Dharkiinley iyo Degmada Kaxda oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir.
2005 Waxa ay Shirkaddu mar kale dib ugu laabatay Degmada Jowhar, halkaasi oo ay howlo xoojin iyo ballaarin ah ay ka sameysay Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar, kaasoo runway-giisa laga dhigay mid caalami ah, maadaama balaciisa la gaarsiiyay 80 Mt, halkii uu horey uga ahaa 60 Mt.
2004 Waxa ay shirkaddu dhameystirtay dhismaha Garoonka Qanyare ee Degmada Deyniile oo qabyo ahaa xilligaasi, taasoo saamaxday iney diyaaraduhu si toos ah ugu soo degi karaan, kana duuli karaan.
2003 Shirkaddu waxa ay Wado caro kaawo ah ka sameysay inta u dhaxeysa Degmada Mahadaay illaa Tuulada Qurac Madoobe.
2002 Waxa ay Shirkaddu ka shaqeysay sidii loo suurto-gelin lahaa garoon diyaaradeed oo ay Degmada Jowhar yeelato, waxayna Shirkaddu daaha ka rogtay garoon ay kusoo dagaan diyaaradihii ugu horeeyay ee xarunta Gobalka Sh.Dhexe yimaada, garoonkaasi oo cabirka runway-giisu yahay 60 Mt. oo balac ah iyo 3300 Mt oo dherirkiisu yahay, taasoo ah cabirka Garoomadda Caalamiga.
2001 Degmada Madera ee Gobalka North-East Province Kenya, waxa ay Shirkaddu ka fulisay dhismo wado, gaar ahaan deegaanada Arabiya illaa Finow.iyadoo sub-contract ka qaadatay shirkadda kale ee Dhismaha RAPID Construction, iyadoo ku guuleysatay shaqadii loo xilsaaray. Hadafka Shirkadda
Hadafka Shirkaddu waa qancinta macaamiisheena, iyaga oo naga helaya shaqo ay tayadeedu aad u sareyso iyo in aanu howsheena ku gudbino si guul ah.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shirkadda Dhismaha iyo Qalabka Culus ee Burtuqle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share